Video:-Nuxurka Shirka jaraa’id Ee Madaxweyne Deni

Madaxweyne Deni oo ay si buuxda Xukuumadiisu ugu garab taagan tahay mawqifka uu ugudbiyay shacabka,ayaa kasoo muuqday Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Bosaso.

Deni waxuu ka hadlay hogaan xumada Madaxda Dowlada Fadaraalka,waxuuna yiri.

”Madaxweyne Farmaajo waxuu hareer maray nidaamyadii lagu hashiiyey waxayna xukuumadiisu ay howl ka dhigatay sidii ay ula dagaalami lahayd nidaamka Fadaraaliga ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka”

Madaxweyne Deni waxuu kawaramay taariikhdii ay Puntland soo martay iyo halka xiligan hada marayso,waxuuna yiri…

“Waxbadan,ayaa madaxda Dowladda Federaalka lahadalnay si howsha taagan loo dhameeyo,balse aamuskayaga waxaa loo qaatay in aan waxa soconaya raali ka nahay” .

Madaxweyne Deni waxuu ku dhawaaqay shir wadatashi oo reer Puntland guud ahaantood ay iskugu yimaadaan.

”Deni,ayaa ku dhawaaqay in shirweyne wadatashi layskugu yimaado 15-3-2020 caasimada Garowe”.

Sidoo kale Madaxweyne Deni,waxuu uyeeray Xildhibaanada,Senetarada labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka ku matala Puntland iyo guud ahaan haldoorka reerPuntland.

Deni waxuu jawaab adag siiyay Goodax,isla markaana waxuu niyada udhisay una sameeyay balan qaad Ardayda reer Puntland.

“Waxaan ugu baaqayaa ardayda Puntland in asyan ka welwelin una baahneyn Shahaadada lagu gado Suuqa Bakaaraha, mustaqbalkoodana anaga ayaa balan qaadayna oo masuul ka ah”ayuu yiri Deni.

Isku soo wada duuboo maanta waxaa la oran karaa waa asiibay talada Madaxweyne Deni.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10157923911231878&id=742346877

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading