VIDEO: Puntland iyo Galmudug oo talaabo ka qaaday dad dhul xirmeysi ka sameystay Bariga Mudug

Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo Eng Maxamuud Abdinur Aden iyo dhigiisa Galmudug Abdirahman Sheikh Xasan, saraakiisha ciidanka isku dhafka ee Gaalkacyo, gudoomiyaasha deegaanka jeexdin iyo qaarkamid ah odayaasha dhaqanka ee Galmdug ayaa kormeer ku tagay deegaanka jeexdin oo hoosyimadaana magaalada Gaalkacyo.

Kormeerkaan ayaa yimid kadib markii halkaasi dadka wada dega deegaanka ay ka sameeyeen dhul xirmaysi sharci daro, iyadoo arintaasi maamulka degmada ee labada dhinac ay kuso wargaliyeen gudoomiyaasha degaanka jeexdin ee Puntland iyo Galmudug.

Kormeer kadib waxa la isla gartay in tallaabo sharci ah laga qaadidoono dad dhul xirmaysiga kawada deegaanka, waxayna ay sheegen in maamulka labada dhinac in gacan bir ah lagu qaban doono.

Ugu dambeyn waxay carabka ku adkeeyeen in deegaankaan uu yahay mid daaqsimeed wax kale laga ogolaandoonin.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading