Video:-Puntland oo dadaal ugu jirta soo jiidashada Maalgashi caalami ah

Wasiirka wasaaradda ganacsiga,Warshada & Maalgashiga Puntland Mudane Abdullahi Abdi Hirsi oo maal-mahaan safar shaqo ku marayey dalka mareykanka ayaa wuxuu la kulmay madaxda Gobolka Minnesota.

Wasiirka ganacsiga Puntland Madaxda uu la kulmay waxaa ka mid ahaa:-

Gudoomiyaha rugta Ganacsiga Gobolka Minnesota,Mr Jonathan.Weinhegan.

Guddoomiyaha Gobolka Minnesota Mr Tim Walz,

Xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka Minesota Mr.Keith Ellison.

Xildhibaan Mohamuud Nuur oo ka mid Xildhibaanada laga soo doorto Gobolka Minnesta.

Madaxda Gobolka & Wasiirka waxay ka wada hadleen xariirka Gobolka Minnesota & Puntland sidii loo xoojin lahaa,la iskana kaashan lahaa arimaha ay ugu waa weyn yihiin.

Siyaasadda.
Arrimaha dhaqaalaha,
Ammaanka

Tayeynta shaqaalaha.

Wasiir Abdullaahi Abdi Hirsi,ayaa uga waramay Madaxda Horumarka ka hana qaaday Puntland.

Mr Jonathan Weinhegan Gudoomiyaha rugta Ganacsiga Gobolka Minnesota oo ugu horayn uu kulan la qaatay Wasiir Cabdi Xirsi,ayaa balan qaaday in ay bilaabi doonaan wada shaqeyn dhow oo wadada u furta dadka ku nool Puntland & Kuwa Gobolka Minnesota.

Sidoo kale Xildhibaan Mohamud Nuur,ayaa Wasiirka ku soo dhaweyey xarunta Baarlamaanka Gobolka Minnesota.

Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdi Xirsi,ayaa ugu danbayntii wuxuu afur sharfeed la qaatay Xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka Minnesota Mr.Mr.Keith Ellison & gudoomiyaha Gobolka,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading