VIDEO: Puntland oo digniin u dirtay Somaliland

Hawlgal ay si wadajir u sameeyeen ciidanka madaxtooyada magaalada Qardho iyo ciidanka Booliska Gobolka Karkaar ayay ku soo qabteen shufto dhacday gaari xamuul ah oo laga leexsaday inta u dhaxaysa Qardho iyo Garowe.

Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska Gobalka Karkaar Gaashaanle Jaamac Cismaan Axmed, ayaa sheegay in Ciidanku ay gacanta ku hayaan shuftadii dhacday gaariga, ayna horkeeni doonaan cadaaladda.

Sidoo kale, Gaashaanle Jaamac Cismaan Axmed ayaa digniin u diray Maamulka Somaliland oo maandooriyayaasha lasoo galiyo degaanada Puntland laga keeno dhinacooda.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading