Video:-Puntland oo Gudi usaartay Sicir bararka

MADAXWEYNAHA OO GUDDI U MAGACAABAY CABOOSHOOYINKA LA XIRIIRA SHILLIN SOOMAALIGA.

Garoowe: 10 January 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddi kasoo tala bixiya cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga.

Guddiga ayaa ka kooban:

Madaxweynihii Hore Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland.

Wasiiradii hore ee Maaliyadda ( Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh).

Wasaaradda ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.

Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Iyo Bangiga Dowladda Puntland.

Madaxda qaar ka mid ah Jaamacadaha Puntland iyo khuburo ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha ayaa guddigan kala shaqeyn doona talabixinta.

Madaxweynaha ayaa guddigan magacaabay kadib markii uu maanta Shir-guddoomiyey kulan gaar ah looga hadlay xal u helida cabashooyinka la xiriira Shillin Soomaaliga.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading