VIDEO: Puntland oo ku dhawaaqday inay diyaarado u adeegsanayso la dagaalanka AYAX

Wasiirka Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Ganacdiid, oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in dhowaan degaanada Puntland ay ka bilaaban doonaan howlgallo buufin ah oo ka dhan ah AYAXA, kuwaas oo loo adeegsan doono diyaarado iyo Gaadiid ay saaran yihiin Haamo sunta loo adeegsado kicinta Ayaxa oo ay diyaarisay Wasaaraddu.

Wasiir Ganacdiid ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland, gaar ahaan Reer Miyiga iyo Beeraleyda inay garab istaagaan Shaqaalaha Wasaaradda ee howlahan ka howlgalaya, sidoo kalena xoolaha iyo dadka laga fogeeyo goobaha boojinta laga bilaabayo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading