VIDEO: Puntland oo Malaayiin dollar ku bixinaysa Waddooyinkii Roobabku burburiyeen (Sawirro)

Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka & Gureyeynta Dowladda Puntland iyo Shirkadda ayaa maanta soo gabagabeysay qiimayntii waddada isku xirta Garoowe iyo Boosaaso ee roobku burburiyay.

Qiimeynta wadadan ayaa waxaa Wasaaradda Howlaha Guud ku wehlinayay Shirkadda Chinaha ee CCECC, Maamulka Gobolka Gobolka Bari iyo Madax kale.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka & Gureyeynta Dowladda Puntland Axmed Bashiir Muuse ( Cirro), oo la hadlay qiimeynta kaddib warbaahinta ayaa xaqiijiyay inay sida ugu dhaqsaha badan u bilaabayaan dhismaha Wadada Boosaaso iyo Garoowe ee roobabku ku waxyeeloobay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo ka hadlay qiimeyntan ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay dhisayso Waddooyinkii ku burburay Roobabkii, isagoona tilmaamay inay ku bixinayaan Malaayiin Dollar.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/xD6HiLU1_HQ

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading