VIDEO: Puntland oo mamnuucday dadka ka soo laabanaya Qurbaha

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in goobahooda ay joogaan dadka ka yimaada dalka dibadiisa, si uusan u faafin cudurka COVID-19 oo soo laba kacleeyay.

Wasiir Jaamac ayaa si gaar ah baaq ugu diray Soomaalida ku sugan Mareykanka, Yurub iyo dalalka kale ee qaboobaha ah oo uu xilligaan ku badan yahay cudurka COVID-19.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa sheegay in sababaha ay tallaabadaan u qaadeen ay tahay in ay dhici karto inay ka qeyb-qaataan dadka ka imaanaya dalka dibadiisa faafinta cudurka, maadaama ay ka imaanayaan dalal uu aad ugu badan yahay cudurka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading