Video:-Qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay magaalada Qardho

Xarunta Gobolka Karkaar ee Qardho waxaa ka dhacay goor dhawayd Qarax uu sababay Wiil yar oo ku ciyaarayay Bambo Gacmeed uusan aqoon ulahayn ama fahansanayn waxa ay tahay.

Isbitaalka Guud ee Qardho,ayaa lasoo gaarsiiyay dhawaacyada 5-qof oo waxyeelo soo gaartay,sidoo kale waxaa Qaraxa ugeeriyooday Wiilkii yaraa ee Bambada uu ku ciyaarayay ay sababatay Qaraxa.

Dadka dhaawacyadu soo gaareen waxay ahaayeen shaqaalo geerashka qaraxu ka dhacay  ka shaqeynayay,kuwaasoo xiligaas ku howl jiray shaqo nolol maalmmeedkooda ay kula soo baxayeen.

Dadka dhaawacyada soo gaareen xaaladooda qeyb kamid ah aadbay u culus tahay sida uu ii xaqiijiyay mid kamid shaqaalaha caafimaadka.

Taliska Amniga Gobolka iyo kan Degmada Ayaa ku sugan isbitaalka sidoo kale ehalada dadka dhaawacyada ayaa dhankooda isa soo buuxdhaafiyay isbitaalka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading