Video:-Qarax iyo weerar wada socda oo lagu qaaday Hotel ku yaala Nairobi

Ugu yaraan hal qarax iyo rasaas xooggan ayaa lagu weeraray hotel ku yaalla magaalada Nairobi oo lagu magacaabo Dusit.

Afhayeenka booliska Kenya, Charles Owino ayaa u sheegay taleefishinka Citizen inay rumeysan yihiin in weerarka uu yahay weerar argagixiso.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna ku warrantay in maleeshiyada kooxdaas ay gudaha u galeen hotel-ka.

“Anaga ayaa ka dambeyna weerarka Nairobi, howl-galkana waa mid socda” waxaa sidaas yiri afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in la xaqiijiyey dhimashada hal qof, iyo dhaawaca afar kale.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay inay arkeen ilaa afar rag oo hubeysan oo gudaha u galaya hotel-ka.

Muuqaalo laga soo qaaday goobta la weeraray ayaa muujinaya baabuur holcaysa oo yiillay banaanka dhismaha,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading