Video:-Ra’isalwasaare Abiye¨¨Talaabo ayaan ka qaadaynaa Cabdi Maxamuud Cumar iyo asxaabtisii”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta qabtay shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyay tan iyo markii uu la wareegay maamulka dalkiisa ayaa ugaga hadlay arrimo faro badan oo ay ka mid tahay sida laga yeelayo madaxda ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Abiy Ahmed ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa shirkiisa jaraa’id  ku sheegay in ay ka jiraan dalkiisa dad  abuuraya  qalqal siyaasadeed ,waxana uu xusay in rabshadihii ka dhacay gobolka Bari ee ay Soomaalidu degto ay joogsadeen,balse waxa uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono madaxdii hore ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya uuna ka mid yahay Madaxweynihii hore Cabdi Maxamed Cumar.

Hase yeeshee Abiy Ahmed ayaan cadeyn tallaabooyinka laga qaadayo madaxdaas nooca uu noqonayo waxana uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in mudadii uu talada hayay in  isbedel dhinaca siyaasada iyo dhaqaalahaba la gaaray tan iyo markii uu maamulka la wareegay.

Bangiga adduunka ayaa siinaya  dowlada Itoobiya lacag gaareysa  hal bilyan oo dollar taasoo ah lacag si toos ah loogu caawinayo  Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dhowrka bilood ee soo socota lacagtaasi ay soo gaari doonto dowladiisa.

Bangiga Adduunka iyo ururada kale ee deeqaha bixiya ayaa ka laabtay xayiraad ay saareen dowlada Itoobiya 2005tii kadib doorasho uu khilaaf hareeyay.

“Horumarka aanu gaareyno waa dib u habeynta dalkeena ka socda.”ayuu wacad ku maray in isbedelka uu sii wadi doono qiime walba oo ay ku kacdo.

Abiy ayaa  ka hadlay arrimaha doorashooyinka isagoo sheegay in ay doorasho xor iyo xalaal ah ka dhici doonto dalka Itoobiya sanadka 2020ka.

Xisbiga isbahaysiga EPRDF ayaa xubno ka ah dhammaan kuraasta baarlamaanka dalka Itoobiya uu ka kooban yahay ee ah 547 kursi.

“Riyadeydu waa in shakiga sanduuqa doorashada uu baabi’I doono.”ayuu yiri isagoo xusay in xilliga doorashada aan dib loo dhigi doonin isagoo ballanqaaday in si ammaan ah uu xukunka ku wareejin doono haddii laga guuleysto.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo la xiriira Madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Mingistu Haila Mariam oo dad badani ay kula taliyeen in uu cafis u fidiyo.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in dastuurka dalkiisa uu diidayo in madaxdii hore ee xukuumadii Mingistu aan cafis loo fidin karin,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading