Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre goor dhaw magacaabay tiro wasiiro ah isaga oo buuxiyay boosaskii horay uga bannaanaa xukuumadda.
Wasiirka Waxbarashada ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Goodax Barre oo badallaya Wasiirkii hore Cabdiraxmaan Daaahir Cismaan oo todobaad ka hor xilka laga qaaday.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni, halka Wasiirkii xilkaasi hayay Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.
C/llaahi Bidhaan Warsame Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka dalka, iyadoo xilkaas laga qaaday C/raxmaan Cabdi Xaashi
Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Cabduqaadir Sheekh Baqdaadi, waxaana xilkaa laga qaaday oo horay u hayay Khilaaf Cabduqaadir Macalin Nuur,
Magacaabistan ayaa imaneysa xili dhawaan ay xilalka xukuumadda banneeyeen tiro dhowr ah oo Wasiiro ah oo ugu danbeeyay Wasiirkii Waxbarashada uu xil ka qaadis ku sameeyay ra’iisal wasaaraha,hoos ka daawo muuqaalka.
Halkan ka daawo muuqaalka
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.