Video:-Ruushka oo laga burburiyay Markab dagaal oo weyn

Markab laga leeyahay Ruushka ayaa lagu burburiyay magaalo-dekadeedka la heysto ee Berdyansk, iyadoo labo doomood oo kalena ay waxyeello ka soo gaartay, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine.

Militarig Ukraine ayaa subaxnimadii saakay soo dhigay muuqaalka waxayna sheegeen in markabka Orsk ay weerareen ciidamadooda.

Faahfaahin ku saabsan waxa sababay qaraxa iyo dabka ka kacay markabka lama oga.

Berdyansk, oo ku talla galbeedka dekadda go’doonsan ee Mariupol, ayaa lala wareegay afar maalin kahor kaddib markii Ruushku uu ku duulay Ukraine,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading