Video:-RW Ku-xigeenka Dalka Oo la Kulmay Gudoomiyaha Midawga Afrika

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo magaalada Nouakchott ee caasimadda dalka Mauritania uga qeyb galay shir madaxeedkii Midawga Afrika, ayaa la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Moussa Faki Mahamat ayaa ka wada halay nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka gaar ahaan dalka Soomaaliya iyo sida Midawga Afrika ay usii wadi lahaayeen taageerada Dawladda Soomaaliya la siiyo iyo hannaanka Soomaaliya ay amnigeeda kala wareegayso ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM).

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethioipia Hailemariam Desalegn, waxa ayna isla soo hadal qaadeen arrimo ay kamid yihiin adkaynta xariirka labada dal

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading