Video:-Saalim Caliyow Ibrow Oo isku soo sharaxay qabashada Gudoonka baarlamaanka Fadaraalka

Wasiirka Macdanta iyo Kheyraadka Biyaha Prof. Saalim Caliyow Ibrow ahna Xildhibaan Baarlamaanka dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaddib shir jaraa’id uu ku qabtay Hotelka Global ee magaalada Muqdisho.
 
Xildhbaan Saalim Caliyow Ibrow oo in mudo ah ku soo jiray Siyaasada dalka ku dhawaad 45 sano, ayaa sheegay inuu daneynayo hanashada xilka Guddoonka Baarlamanka
 
“Xaqiiqdii waxaa jirta kala qaybsanaan ku soo dhex jirtay hoggaanka baarlamaanka iyo xildhibaanada qaran mudadii 18 sano ahayd ee la soo dhaafay, mar kastana waxaa jiray is maan dhaaf ku salaysan dhanka sharciga iyo habsami u socodka hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya, taas oo ragaadisay howlo badan oo horyaalay Baarlamaanka iyo guud ahaan shaqada loo igmaday dowladihii soo maray dalka.”
 
Prof. Saalim ayaa sheegay in xilligaan la joogo dalka ay horyaalaan caqabado badan oo dhanka amniga iyo siyaasada, isla markaasna la rabo in la dhamaystiro dastuurka loona gudbo in dalka la gaarisiiyo afti u qaadid Dastuur.
 
“Waxyaabaha muhiimka ah ee laga gabiyey waxaa ka mid ah samaynta Maxkamadii Dastuuriga ahayd, taas oo hormuud u noqon karta dhex dhexaadinta muranada soo kala dhex gala hay’adaha dowladda. Waxaana ii qorshaysan inaan ka dhigto ajandayaashayda ugu horeeya dhisida Adeega Garsooka, waxaa kale oo dadajin doonaa shuruucda is dul saaran ee horyaala Baarlamaanka si Xukuumada howlaha horyaalo loo dar dar galiyo” ayuu yiri Salim Ibrow.
 
Prof Salim Caliyow Ibrow ayaa waxbarashadiisa hoose dhexe ku soo qaatay dalka sanadii lixdameeyadii, wuxuuna waxbarashiida jaamaceed u aaday 1968 dalka Talyaaniga, isagoo soo bartay Culuumta Xanaanada iyo Caafimaadka Xoolaha, wuxuu ka shaqo bilaabay markuu dalka ku soo noqday Dowladda Hoose ee Xamar, waxaa 1976 uu noqday Bare kaaliye Jaamacdii Ummadda, isagoo 1978 u dalacay Bare Jaamacadeed. Sidoo kale Prof Salim ayaa ka mid noqday Gudiga Sulaxa ee la asaasay dhamaadkii 1990-kii kaas oo qorshuhu ahaa in Ra’iisul Wasaare laga dhigo Cumar Carte Qaalib, Prof. Salim ayaa qayb weyn ka soo qaatay shirarkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Jabouti 1991, waxaana u noqday Wasiir dowladi Cali Mahdi.
 
Laga soo bilaabo sanadkii 2000 dowladii Carte lagau soo dhisay ilaa hada wuxuu ahaa Xildhibaan qaran, wuxuuna soo noqday Wasiir ku xigeen, Wasiirka Xanaanada xoolaha, Ra’iisul Wasaare ku xigeen, sii haye xilka Ra’iisul Wasaaraha xiligii uu is casilay Cali Maxamed Geeddi, Wasiirka Maaliyadda, dowladihii aan KMG ahayn wuxuu soo noqday Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo uu hada yahay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading