Video:-Safiirkii Ruushka ee Qaramada Midoobey oo geeriyooday

Safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay, Vitaly Churkin, ayaa si lama filaan ah ugu geeriyooday magaalada New York. Waxa uu maalin ka dib jirsan lahaa 65 sano.

Afhayeen u hadlay hogaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka naxay geerida safiirka, isla markaana aad loogu xusuusan doono howl-karnimadiisii iyo xirfadiisii dhanka diblomaasiyadda.

Waxa uu safiir ka ahaa Qaramada Midoobay tan iyo 2006, ayadoo si weyn loo dareemi jiray howlihiisa.

Mar uu ahaa sarkaal daraja hoose, ayaa xukuumadda Moscow waxa ay Mr Churkin u dirtay sanadkii 1986-dii in uu ka hor marqaati furo Congress-ka Maraykanka, xilligaasi oo la baarayay musiibadii nukliyeerka ee Chernobyl.

Safiirka Britain u fadhiya Qaramada Midoobay, Matthew Rycroft, ayaa sheegay in uu aad uga argagaxay geerida Churkin, asagoo ku tilmaamay nin dabeecad wanaagsanaa isla markaana miisaan ku dhex lahaa diblomaasiyiinta,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Video:-Safiirkii Ruushka ee Qaramada Midoobey oo geeriyooday"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading