VIDEO: Sahanka mashruuca dhismaha laamiga Gaalkacyo ilaa Faratooyo oo la daah-furay (Sawirro)

Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo, Maxamuud Abdinuur Aadan ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay ‘’Sahanka’’ mashruuca dhismaha laamiga Gaalkacyo ilaa Faratooyo oo dhan 85-KM.

Dhismaha laamiga oo la filayo in dhawaan la bilaabo ayaa waxaa maalgalinaya African Developmenta Banka iyo EAU, waxaana qayb ka ah Dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Puntland.

Maamulka gobalka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo ayaa dadaal badan galinaya dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha gobalka oo mashaariic qaarkood indhaha lagu hayo ay ka socdaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading