Video:-Saraakiisha amniga fadaraalka oo soo saaray go’aamo culus oo amniga xamar ku saabsan

Wasiirka amniga iyo taliyeyaasha ciidamada oo caawa shir jaraa’id oo ay si wadajir u qabteen ayaa waxay ugu hadleen qorshaha xasilinta amniga Muqdisho iyo in caasimada lagu dhex wadan karin hub, askarigii lagu qabtana sharciga lala tiigsan doono, sidoo kale waxaa la mamnuucay in dareeska ciidamada xoogga dalka ciddii lagu arko tallaabo sharciga waasaqsan lagu qaadi doono.
 
Awaamiirta ay ku dhawaaqeen taliyeyaasha ciidamada wasaaradda amniga ayaa waxaa ugu mihiimsan qodobadaan:.
 
1. Askarigii Magaalada Muqdisho qori ku dhex wataa tallaabo Sharci ayaa laga qaadaya waana la xiraya.
 
2. In Talaabo Sharci ah laga qaadayo cidii lagu arki dharka ama Dareeska Ciidanka Xooga Dalka oo aan Taliska ka tirsaneyn.
 
3. In Ciidan iyo Gaadiid aan Warqad Fasax wadan in aan lagu arki karin gudaha Magaalada Muqdisho.
 
4. Ciidamada Xasilinta ayaa sugaya amaanka Xarumaha Dowladda iyo amaanka guud ee Caasimada ciidan kale laguma arki karo Muqdisho.
 
5. In la Faarujiyo oo laga baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka ee ku yaalla Muqdisho 1 July ka dib Shacab laguma arki karo Guryaha Ciidamada Xooga.
 
6. In aan Cid loogu turin Howlgalada Xasilinta Caasimada iyo Hub ka dhigista cidii ka hor timaaddo Sharciga ayaa la horgeynaya.
 
Dhanka kale, Taliyaha Ciidamada Milateriga Jen, Cirfiid ayaa sheegay in laga baxo dhamaan guryihii ay lahaayeen ciidamada xoogga dalka, isla markaana lagu baneeyo illaa 1-bisha July.
 
Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. C/xakiin Daahir Saacid ayaa sheegay inay wixii hada ka dambeeya ay mamnuuc tahay dareyska ciidamada oo lagu dhex sito magaalada iyo askari hubeysan oo aan fasax heysan.
 
Waxaa uu xusay in la sameyn doono xafiis 48-ka saac soo socda lagu diiwaan geliyo ilaalada ay wataan Mas’uuliyiinta, isla markaana lagu siiyo aqoonsi iyo dhar gaar ah, sidoo kale aan la ogolaan doonin in magaalada ay ku socdaan ciidan aan aheyn kuwa xasilinta,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading