Video:-Shacabka Laascaanood oo muujiyay dareenkooda iskana caabiyay Jeegaanta

Shacabka Magaalada Laascaanood ayaa maalinkii shalay ahaa kala hortagay mudaahaaraad xoog leh oo wata rabshado maleeshiyada Jeegaanta oo galbinayay shaqsiyaad sheegta in ay yihiin Wasiiro ka tirsan maamulkaas.

Mudaahaaraadyadaas,ayaa dhabarka ka jabiyay qorshe ay wateen Awrkiraalayaasha u adeegayay Jeegaanta,sidoo kale udiiday wax dhaqdhaqaaqa in ay sameeyaan Maleeshiyada Jeegaanta ee  galbinaysay Awrkiraalayashaas.

Shacabka Laascaanood waxay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan gumaysiga iyo bahdilka maamulka Jeegaantu ku hayo iyo haysashada ay haystaan Magaalada laascaanood.

Shacabka ayaa ku dhawaaqayay erayo wadnaha xanuujiyay Jeegaanta ,waxaana kamid ahaa ”Puntland ha noolaato,dooni mayno Jeegaanta,Dooni mayno gooni-goosad,Somali baan nahay”.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Halkan ka daawo muuqaalka labaad


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading