VIDEO: Sharciga Maareynta Dhulka Magaalooyinka Puntland lagu soo bandhigay Garoowe.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland Axmed Bashiir Muuse Cirro, ayaa furay Shir lagu soo bandhigayay sharciga Maareynta Dhulka Magaalooyinka Puntland.

Sharciga Maareynta Dhulka Magaalooyinka Puntland ayaa waxaa horey u meel-mariyay Golaha Xukuumadda Puntland iyo Golaha Wakiillada Puntland, iyadoona uu saxiixay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni.

Wasiir Axmed Cirro, ayaa sheegay in sharcigan muhiim u yahay maareynta dhulka Magaalooyinka Puntland, isagoona intaas ku daray in loo baahan yahay ka wada-shaqeynta hirgalinta xeerkan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading