VIDEO: Shir looga hadlayo Mashruuca Biyoole oo ka dhacay magaalada Garoowe (Sawirro)

Shir looga hadlayo dib-u-eegista waxyaabihii u qabsoomay mashruuca Biyoole ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland ee magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Kulanka ayaa intii uu socday lagu soo bandhigay kala hormarinta mudnaanta waxqabadyada horyaala mashruuca sida biyaha, beeraha, deegaanka iyo xoolaha.

Shirka ayaa waxaa ka oo qaybgalay Wasaaradda Qorsheynta ee Federaalka iyo Wasaaradaha Qorsheynta, Xanaanada Xoolaha , Tamarta iyo Macdanta Biyaha iyo Deegaanka ee Dowladda Puntland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading