VIDEO: Shirka Dib-u-habaynta Heerarka iyo Mushaharaadka Shaqaalaha Puntland oo furmay (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Shirka dib u habaynta heerarka iyo Mushaharaadka Shaqaalaha Dowladda Puntland.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland waxaa Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ku wehelinayay Golaha xukuumadda, Agaasimeyaasha guud ee Wasaaaradaha, Guddoomiyeyaasha Hay’adaha madaxa bannaan, Agaasimeyaasha maamulka iyo Maaliyadda ee Hay’adaha Dowladda iyo shaqaalaha Dowladda.

Muddadii uu shirku socdey waxaan lagu soo bandhigay soojeedimo kala duwan oo looga hadlayey heerarkii uu soo maray hanaanka dib u habaynta shaqaalaha dawladda Puntland, iyadoo la bogaadiyey hanaanka furan ee maanta lasoo gaarey oo noqday hiigsi muddo lagu taamayey in lasoo gaaro.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyay barnaamijkan Muhiimka ah, waxaana uu Wasaaradaha Maaliyada iyo Shaqada iyo Shaqaalaha kula dar-daarmay inay hirgaliyaan hannaanka dib u habaynta heerarka iyo Mushaharaadka shaqaalaha Dowladda Puntland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading