Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland ayaa shir ugu qabatay Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland Xildhibaanadda Haweenka ah ee katirsan Golayaasha Deeganka Puntland.
Shirkan oo halku dhigiisu yahay “MUUJINTA CODKA HAWEENKA PUNTLAND” ayaa diirada lagu saaray xoojinta iyo wada-shaqeynta Haweenka kamid ah Golayaasha deegaanka Puntland. Agaasimaha Waaxda Hormarinta Haweenka ee Wasaaradda Haweenka Puntland Luul Jaamac Nuur ayaa ugu baaqday Haweenka kamid ah Golayaasha Deegaanka Puntland inay muujiyaan isku duubni.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.