Video:-Shirkii G20 oo meel xasaasiya maraya iyo dadaalo isku soo dhawaansho lagu raadinayo oo socda

Saraakiil ka socotay dalalka ku midoobay G-20 ayaa tan iyo xalay gudaha magaalada Hamburg kaga shaqeynayay sidii looga gudbi lahaa farqiga dhanka ganacsiga iyo kan isbadalka cimilada ee kala dhaxeeyo Mareykanka.

Dadka wada dhexdhexaadinta ayaa isku dayaya inay isku soo duwaan bayaan kama dambeys ah oo lagu taageerayo heshiiskii cimilada ee Paris, walow uu heshiiskaasi diiday Madaxweyne Trump.

Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ee martida galisay shirkaasi, ayaa qirtay in wadahadalladu ay ahaayeen kuwo adag.

Dibadbaxyo rabshado watay oo ka dhan ah shirka G-20 ayaa soconayay tan iyo xalay saqdii dhexe, iyadoo kumannaan boolis ah oo kuwa la dagaalama rabshadaha ah ay isku dhaceen dibadbaxayaasha.

Booliska magaalada Hamburg ayaa sheegay in ay dhaawacmeen ku dhawaad laba boqol oo askari,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/iY3UszAfj3Q

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/iY3UszAfj3Q


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading