Video:-Shirkii Madasha Shiinaha iyo Africa oo goordhawayd furmay

Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) ayaa goordhow ka furmay ka furmay magaalada Beijing iyadoo ay ka qeybgalayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah.
 
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo si rasmi ah u furay shirka ayaa sheegay dalka Shiinaha iyo Afrika ay leeyihiin iskaashi dhinacyo badan leh,waxana uu rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada qodobada la isku afgarto ee ka soo baxa shirka.
 
Shirka oo labo maalin socon doona ayaa diirada lagu saarayaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.
 
Madasha Shiinaha iyo Afrika Sanadkan waxaa hal ku dhig looga dhigay “ Shiinaha iyo Afrika oo u socda dhanka bulsho adag lahna Mustaqbal Wadaag iyada oo loo marayo Faa’ido ka timaada labada dhinac.
 
Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah oo ka qeybgalaya Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres, ergeyga Midowga Afrika Moussa Faki iyo 27 hay’adood oo Caalami iyo Afrikan ah.
 
Shirkan Saddexdii sano waxaa la qabtaa halmar, si loo xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Shiinaha iyo dowladaha Afrika, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha.
 
Madashan ayaa waxaa la aas-aasay 10, October, 2000 waxaana lagu aas-aasay soo jeedin ka timid Madaxweynihii hore ee Shiinaha Jiāng Zémín.
 
Wareeggii 2-aad ee Madashan waxaa lagu qabtay Magaalada Adis Ababa 15, 16 December, 2003, wareegga 3-aad ayaa waxaa lagu qabtay Beijing 3,5 November 2006, wareegga 4-aad waxaa isna martigalisay Sharm El Sheikh 8,9 November 2009,halka wareegga 6-aad lagu qabtay Johannesburg ee dalka Koofur Afrika 4,5 December 2015,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading