Video:-Sidee loogu soo dhaweeyay Siciid Dheere Garowe?

Jen.Siciid Dheere oo masuuliyado kala duwan kasoo qabtay Puntland iyo Fadaraalka,ayaa dib ugu soo laabtay Garowe.

Wasiiro ka tirsan Xukuumada,Saraakiisha ugu saraysa Ciidamada iyo Bulsho fara badan,ayaa usoo baxay soo dhaweyntiisa.

Siciid Dheere,ayaa mudo ka maqnaa Puntland,waxuuna ku sugnaa Muqdisho iyo Nayrobi.

Maqnaanshaha Siciid Dheere,waxaa sabab u ahaa khilaaf xoog leh oo soo kala dhexgalay isaga iyo kooxda Aaran-shaydaan oo Sxb la ahaa Madaxweyne Deni.

Jen.Siciid Dheere,ayaa ka hadlay sababta uu Garowe uga tagey iyo mida uu hada ugu soo laabtay.

“Garowe,waxaan iskaga tagay markii layga been abuuray oo Madaxweynihii loo geeyay sheeko ah Siciid inqilaab,ayuu wadaa”

Isagoo hadalka sii wata,ayuu yiri”Wanka Barxada ku cayilay waxba naga qaadi mahayo Doorashaduna waa dhacaysaa”.

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading