Video:-Sidee u aragtaa Somaliland doorashada Madaxweyne Deni?

Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha xisbiga Ucid ee Somaliland waxuu si weyn usoo dhaweeyay doorashada Siciid Cabdulaahi Deni.

Faysal waxuu sheegay in ay Sxb yihiin Deni dhawr jeerna ay ka fool ka fool ukulmeen,waxuuna ku tilmaamay Nin uqalma jagadaas oo masuul ah.

Sidoo kale wuxuu bogaadiyay hanaanka doorashada Puntland ay u dhacday,waxuuna fariin udiray Madaxweyne Deni oo uu kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo Nabad.

Faysal waxuu canbaarayn dusha uga tuuray Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisi Camey oo ku tilmaamay qaswadayaal colaad dhiig badan ku daatay ka dhex abuuray Puntland iyo Somaliland .

Marka laga soo tago hadalka Faysal Cali Waraabe Madaxweyne Deni waxaa lagu tilmaamaa qunyar socod aan ku deg-degin colaada,isla markaana qadiyada Sool aragti ka duwan tii ay ka qabeen maamulkii Gaas ka qaba.

Sidoo kale Madaxweynaha la doortay Siciid Deni,ayaa la fili karaa in ay saamayn ku yeelato kooxda Aaranjaan ee qaybta ka ahaa olalihisii doorasho,kuwaasoo xiriir dhow in ay la leeyihiin Somalialnd lagu xanto.

Hadii ay sida xanta hoose tilmaamyso ay wax u dhacaan Madaxweyne Deni waxuu taageero uga heli doonaa qorshahiiisaa shacabka Puntland oo aan markan soo dhaweyn u hayn dhiig danbe oo ku daata Sool.

Haldoor badan oo reer Puntland ah ayaa qaba in colaada Sool iyo barnaamijka dib u xoraynta Laascaanood lagu maareeyo fikrad ka fog colaad dhexmarta labada maamul.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading