Video:-Sidee u dhacay dilkii wasiirkii hawlaha guud ee fadaraalka

Allaha u Naxariistee waxaa caawa agagaarka xaruna Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho lagu dilay Wasiirkii howlaha guud iyo Dib u dhiska Xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji.
Wasiirka la dilay ayaa ahaa ninkii ugu dhalinta yaraa Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxa uu sidoo kale Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji kamid ahaa Xildhibaanada golaha Shacabka ee lagu soo doortay magaalada Kismaayo.

Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji ayaa ku dhashay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose sanadkii 1986-dii, waxa uuna inta badan noloshiisa kusoo qaatay waxna kusoo bartay Xeryaha qaxootiga dalka Kenya.hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/p0g3CGfOwt0


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading