Video:-Tahriibayaal ku halaagsamay Badda Libiya

Maydadka 87 tahriibayaal ayaa laga helay xeebaha dalka Liibya. Waa musiibadii ugu dambeysay ee ka dhacdo gobolka Zawiya.

Waxaa loo malaynayaa inay doonayeen inay ka tallaabaan badda Mediterranean-ka, si ay u gaaraan Taliyaaniga.

Bilihii la soo dhaafay, tirada tahriibayaasha ku dhimatay badda Liibiya ayaa sare u kacday, sida hay’adaha ay sheegayaan.

Doon bac ah oo dillaacday ayaa laga helay meel u dhow xeebta maydadka lagasoo aruuriyay.

Waxaa la rumeysan yahay in doonta noocaas ah lagu qaado 120 qof. Shaqaalaha gurmadka waxay sheegeen in ay suuragal tahay in maydadka qaar ay biyaha hoos u galeen.

Maxamed Al-Misrati wuxuu sheegay in maamulka deegaanka ay maydadka geeyeen qabuuro ku yaalla magaalada Tripoli.

Hoos ka daawo muuqaal muujinaya sida silica iyo darxumada leh ee loola dhaqmo Tahriibayaasha xiliga ay Bada saaran yihiin.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Video:-Tahriibayaal ku halaagsamay Badda Libiya"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading