Video:-Taliska Ciidamada Badda Puntland oo ka warbixiyay hawlgakii Balikhadar

Talyaha Ciidamada Badda Puntland Arminal Cabdirisaaq Diiriye Faarax ,ayaa ka warbixiyay weerarkii saldhiga Ciidamadaas ee Balikhadar.

Talyaha ayaa sheegay in weerarkaas ay si adag iskaga difaaceen,isla markaana 50-kamid ah Maleeshiyada Alshabaab ay ku dileen goobta.

Talyaha ayaa sidoo kale sheegay in waagu markuu baryay ay ka daba tageen kuna gaareen maleeshiyadii argagixisada meel u jirtay Saldhigooda 14-km,halkaas oo uu ka dhacay dagaal xoog leh oo dhawr saac socday ugu danbayna guushu ku raacday Ciidamada Badda Puntland ,sida uu sheegay Talye cabdirisaaq,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

Hakan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading