Video:-Trump oo galiyay dalka Maraykanka xaalad deg-deg ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo qaran si uu uga maarmo in Kongreska uu u ansixiyo lacag uu doonayo in uu ku dhiso xadka Mareykanka iyo Mekisko.

Trump oo shir jaraa’id maanta qabtay ayaa sheegey in xaalad cakiran ay ka jirto xadka Mareykanka iyo Meksiko, ayna tahay in lala tacaalo.

Waxa uu sheegey in madaxweynayaal isaga ka horreeyay ay xaalado deg deg ah hore ugu dhawaaqeen, isaguna uun sidaasu sameynaayo.

Dimuqraaddiyiinta ayaa si weyn uga hor yimid go’aanka Trump, waxayna ku eedeyeen in uu madaxweynuhu uu abuurayo xaalado aanan jirin,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

Hallkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading