VIDEO: UK oo Hargeysa ka hirgalinaysa waddo ay ku baxayso 17 Milyan oo dollar

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta dhagax-dhigay waddada weyn ee Labada Boqol, taas oo dhinaca waqooyiga ka maraysa magaalada Hargeysa, islamarkaana saxmadda iyo cidhiidhiga lagaga yaraynayo caasimadda Hargeysa,

Munaasibadda dhagax-dhigga, ayaa waxa madaxweyne Biixi kala qaybgalay Safiirka dawladda Ingiriiska Amb, Kate Foster, oo dalkeedu maalgalinayo wadadan oo uu ku baxayo dhismaheeda lacag dhan 17milyan oo Dollar.

Dhismaha wadadan oo dhan 22.5-KM ayaa qeyb ka ah mashruuca Berbera Corridor, waxaana ay yeelan doonto Biriijyo waa weyn iyo Buundooyin yaryar oo biyuhu mari doonaan, waxaana dhismaheedu socon doonaa muddo 22 bilood ah, sida uu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi.

Idil Television


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading