VIDEO: Ururka Suxufiyiinta Puntland oo hoggaan doortay

Ururka Warbaahinta Dowladda Puntland ee MAP ayaa maanta doortay Hoggaanka cusub ee Ururka saddexda sanno ee soo socda, kaddib Shirweyne ka qabsoomay magaalada Garoowe Labo maalmood.

Guddoomiyaha Ururka MAP ayaa loo doortay Maxamed Daahir Ceynsane oo horey xilkan u hayay saddexdii sanno ee lasoo dhaafay, halka Guddoomiye ku-xigeenka loo doortay Saalim Yuusuf, waxaana Xog-hayaha Ururka MAP loo doortay Naciimo Muuse Dalaf oo xilkan horey u heysay.

Shirweynaha Doorashada Hoggaanka cusub ee Ururka Warbaahinta Puntland ayaa waxaa ka qeyb-galay 109 Suxufi oo ka kala yimid Gobalada Puntland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading