Video:-Waligaa Jacayl dartii mala ilmaysay!!!

Waxaa baraha buslshada aad looga hadal hayaa wiil ku ooyay xafladdii arooskiisa, waxay dadka ka doodayaan sababta uu u ilmeeyay iyagoo qaarkood leh wuxuu u ooyay “jaceylka uu xaaskiisa u qabo”.

Muuqaal yar oo laga soo duubay xaflada ayaa lagu arkayay wiilka caruuska ah oo ilmeeynaya ayna illinta ka tirtireeyso gabadha caruusadda ah.

Waxaa dhif iyo naadir ah in la arko nin Soomaali ah oo meel fagaaro ah ku ilmeeyo farxad uu dareemayo awgeed, waxay dadka Soomaalida ah badankood qabaan in ragga ay yihiin kuwa ‘calool- adag’ oo dareenkooda qarsada.

Hasayeshee, waxa taasi beeniyay Sadiiq Cabdinaasir oo dareenkisa aanan qarsan oo xaaskiisa iyo dadkii joogay xafladaba u muujiya jaceylka u u qabo xaaskiisa.

”Dadka baraha bulshada arrintan aad ayey uga hadal hayaan waan arkay, qaarba si xun u turjumay laakiin qof walbo bini’aadam ah oo qalbi leh maalin ayuu ooyaa, waxaan la ooyay farxad darteed, sida ay qoyskeeyga uga soo qeyb galeen xaflada arooskeyga iyo inaan hantiyay qofkaan dunida ugu jeclaa”, ayuu yiri Sadiiq Cabdinasir hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading