Dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico oo wada-jir ah ayaa ku guuleystay marti-gelinta koobka kubadda cagta adduunka ee 2026, kadib codbixin maanta ka dhacday dalka Ruushka, oo berri uu ka furmayo koobka adduunka.
Saddexdan dal ayaa ka adkaaday dalka Morocco, oo ah kan kaliya ee la loolamayey.
Waxay haleen 134 cod oo ka mid ah codadka guddiga wakiilada xiriirada dunida ee doorashada sameynayey, halka Morocco ay ka heshay 65 cod.
“Tani xaqiiqdii waa daqiiqad muhiim u ah kubadda cagta Waqooyiga America” waxaa sidaas yiri guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Mareykanka Carlos Cordeiro.
Koobka kubadda cagta adduunka ee 2026, ayaa waxaa markii ugu horrreysay ka qeyb gali doona 48 dal, halka iminka ay ka qeyb-galaan 32 dal.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.