Warbixin kooban oo ku saabsan Imtixaankii fasalka 8aad 2016/2017
- Qorshaynta hawlaha
Sida caadiga ah waxaa la qorsheeyaa Xafiiska Imtixaanaadka bisha Agoosto oo ah bilawga sannad dugsiyeedka Puntland iyadoo lala dhammaynayo dugsiyada. Haddaba bilaha uu ugu mashquulka badan yahay xafiisku ayaa ah Disember ilaa Julay ee sannad walba xilligaas oo ay dhacaan hawlaha ugu muhiimsan ee imtixaanaadku sida; dejinta imtixaanka, dib u habaynta, diwaangelinta ardayda, aruurinta kharashaadka imtixaanka, daabacaadda imtixaan, qaadista iyo sixidda, ku dhawaaqidda natiijada, raadinta deeqaha waxbarashao iyo qaybinta ardayda.
Sannadka 2017, wuxuu u ahaa sannad ay waaxda imtixaanaadku ku tallaabsatay horumar baaxad leh marka la qiimeeyo dhammaan hawlaha aan kor ku soo sheegnay oo u wada dhacay sidii loo qorsheeyay gaar ahaan marka la eego arrrimaha hoos ku qoran
- Taboabaridda iyo sare u qaadida xirfadda sixidda imtixaanka.
- Sare u qaadista iyo Xirfadaynta hawlwadeenada imtixaanaadka kormeerayaasha, ilaaliyayaasha, saxayaasha iyo dejiyayaasha imtixaanka.
- Xoojinta xirfadda warbixinta, lafaguridda, iyo tarjumidda natiijada imtixaanka iyadoo la soo saarayo warbixinno kala duwan oo kala ah; warbixin farsamo, warbixin lafaguridda imtixaanka iyo warbixinta lafaguridda maadooyinka.
- Ardayda Baahida Gaarka Qabta oo si dhab ah waaxda isugu hawshay in aanay ka harin safarka waxbarashada ha noqdaan indhoolayaasha, dhaawacyada, autosimka, umulaha iwm oo dhammaan ka mid ahaa dadkii sannadkan imtixaanka u fariistay.
Ardayda imtixaanka isu diiwaangelisay
Fariisatay | Gudubtay | Dhacday | Maqan | |||
Wiial | Gabdho | Wiilal | Gabdho | Wiilal | Gabdho | |
5,215 | 3,585 | 4,629 | 3,110 | 527 | 425 | |
8,800 | 7,739 | 952 | 109 |
Saamaiga gudbidda = 88%
Saamiga dhiciida = 11%
Saamiga maqnanshaha = 1%
Saamiga gabdhaha gudbay = 35.3%
Saamiga wiilasha gudbay = 52.6%
- Falanqaynta natiijada ardayda
- Waxqabadka Maadooyinka (subject performance)
Maado | 2015 | 2016 | 2017 |
Somali | 64.01 | 52.43 | 71.76 |
Carabi | 61.79 | 58.76 | 62.62 |
Saynis | 71.09 | 72.93 | 55.02 |
Tarbiyo | 72.79 | 65.35 | 57.73 |
C/bulsho | 72.34 | 76.18 | 50.74 |
English | 65.27 | 51.74 | 44.36 |
Xisaab | 63.58 | 69.20 | 42.67 |
Sida ku cad shaxda sare waxaa muuqdata in maadooyinka xisaabta iyo Englishka celceliskoodku uu ka hooseeya 50% loona baahan yahay in laga qaado tallaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo.
- Waxqabadka ardayda (student performance)
Sannad | Gudbid | Dhacid |
2015 | 6985 | 176 |
2016 | 7263 | 379 |
2017 | 7740 | 950 |
Natiijo la baabi’iyay
waxaa la baabi’iyey natiiada arday lagu helay inay soo boodeen si khaldanna loogu soo diwaangeliyay imtixaanka fasalka 8aad 2017
Talooyin
- Waxaa si is-dabajoog u soo kordhaya ardayda ardayda ka tallaabsanaysa heer ama labo heer ka dibna dhuumasho ku soo gelaya imtixaanka caamka taas oo badanaa ka dhacda magaalooyinka waawayn.
- Si taas looga hortago, waxaan ku talinaynaa in la xoojiyo kormeerka iyo tayo dhawrka wasaaradda loona fududayn gudashada waajibaadkooda.
- In la xoojiyo karmeerka goballada iyo degmooyinka laguna saleeyo xirfadda baridda iyo barashada kaliya, lagana hawlgeliyo dad aqoon u leh labadaa arrimood.
10 ka Arday ee ugu sarraysa imtixaanka Fasalka 8aad ee 2017
S/N | RNo | Magac | Dugsi | Grade | Celcelis |
1. | P171462 | Cadnaan Abdi Yasin Hersi | Imam Shafie | 626.00 | 89.43 |
2. | P170536 | Mohamed Abdi Barre Waberi | Darul-Birr i(Bosaso) | 624.00 | 89.14 |
3. | P178369 | Najmo Abdirisak Sahal Mohamud | Nawawi Garowe | 623.00 | 89.00 |
4. | P175207 | Luqman Abdikadir Ahmed Ali | Daru Salaam(Galk) | 621.00 | 88.71 |
5. | P172469 | Salman Said Jama Abdi | Ummul Qura | 620.00 | 88.57 |
6. | P170798 | Abdulahi Warsame Barre Said | Darul-Rahma(Bosaso) | 618.00 | 88.29 |
6 | P173560 | Abdirahman Yasin Abdirahman Yusuf | Abdiladif Bilal | 618.00 | 88.29 |
7. | P177610 | Amira Ali Salah Adan | Dawad Garowe | 618.00 | 88.29 |
8. | P178318 | Ali Abdullahi Ali Said | Nawawi Pr Gr | 617.00 | 88.14 |
9. | P171503 | Mohamed Mubarak Farah Mohamud | Imam Shafie | 614.00 | 87.71 |
9 | P177445 | Aisha Abdi Abdullahi Farah | Darwiish Garowe | 614.00 |
Halkan ka daawo muuqaalka
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.