VIDEO: Wasiir Gallan ” Mudug Jaanis baan u waayay aan ku taggo”

Wasiirka Wasaaradda amniga Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa ka hadlay sababta ka dambeysa in uu tagi waayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug oo dhowaan ay ka dhaceen falal lidi ku ah amniga.

Wasiir Gallan oo ka jawaabayay Su’aalo uu weydiiyay Xildhibaan ka tirsan  Baarlamaanka Puntland oo ahaa, “Maxay tahay sababta ilaa iyo hada aadan u tagin Gobalka Mudug ? Maxaase ay tahay sababta adoo jooga Shaqadaadii loogu Magacaabay Guddi, ayaa sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay uu ku mashquulsanaa Xaalada amni ee Gobalka Bari iyo arrimihii ka dhacay Gobalka Sanaag, taasna ay ka hor istaagtay inuu tago Gobalka Mudug.

https://www.youtube.com/watch?v=DsNEL_ss3h4&feature=youtu.be

Wasiirka Amniga Puntland ayaa tilmaamay inuu si dhow ula socday amniga Gobalka Mudug, ayna wada-shaqeynayeen Guddigii uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Deni u Magacaabay Xaalada amni ee Gobalka, balse uu waayay jaanis uu ku tago.

Dhanka kale, Wasiirka Amnig Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ka hadlay eedeymo ay u jeediyeen Guddiga amniga ee Golaha Wakiilada Puntland oo ahaa inuu askareeyay Dhalinyaro, kuwaas oo xaalada amni darro ka abuuray Gobalka Bari, isagoona sheegay in aysan waxba ka jirin Eedaas.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading