VIDEO: Wasiir Majiino oo kormeeray Dhismaha Dekedda Garacad

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cusmaan Majiino ayaa kormeer kutagay Dekadda Degaanka Garacad, isagoona kulan la yeeshay Maamulka, Waxgaadka iyo Shacabka Degaanka oo uu kala hadlay dhismaha Dekedda iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Shacabka iyo Dowladda Puntland.

Wasiir Majiino ayaa sheegay in dhismaha Dekedda Garacad ay guul u tahay Shacabka iyo Dowladda Puntland, waxaana uu tilmaamay in Dekedda Garacad ay qeyb ka qaadan doonto hormarinta Dhaqaalaha iyo Shaqo abuurka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cusmaan Majiino, ayaa ugu baaqay shacabka Degaanka Garacad iyo Guud ahaan Bulshada Puntland inay ka shaqeeyaan xoojinta amniga oo fure u ah Hormarka ay gaartay Dowladda Puntland 21 sanno ee ay jirtay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading