Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey ayaa goordhow warbaahinta u sheegay in aan Muqdisho lagu qaban karin banaanbax dowlada lagu taageerayo ama looga soo horjeedo, xili ay mucaaradka qorsheeyeen in Jimcaha qabtaan bamaanax kale oo doorasho lagu dalbanayo.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo aaday saacado kadib markii magaalada Beladweyne lagu qabtay banaanbax ay qeyb ka yihiin Ciidanka Haramcad ee Villa Soomaaliya, kaas lagu taageerayo Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.