VIDEO: Wasiir Xundubeey oo qaxa Muqdisho ku eedeeyay mucaaradka

Wasiirka Amniga Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa goordhow warbaahinta dowladda ka sheegay in aysan gacmaha ka laaban doonin waxa ka socda Muqdisho. Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay awood u leedahay in ay wax ka qabato wax uu ku sheegay kooxo diidan nabada Muqdisho.

Sidoo kale Xundubeey ayaa sheegay in Muqdisho ay ku soo badanayaan maleeshiyaad leh dhaqan muuryaan oo guryaha jabsanaya dadkana cabsi gelinaya, isagoo digniin u diray dadka gabaadka u ah ama la shaqeeya.

Mucaaradka ayuu ku eedeeyay inay gabaad u yihiin Argagixisada.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading