Video:-Wasiirka Arimaha Dibada Dawlada Fadaraalka oo ka hadlay xasuuqii Somalida ee Yemen

Wasiirka arrimaha dibadda, C/salaan Hadliye Cumar ayaa si adag uga hadlay shacabka Soomaalida ah, ee habeenkii Khamiista lagu laayay meel 50 km u jirta Xeebta Hudaydah ee dalka Yemen.
 
Wasiirka Hadliye ayaa sheegay in talaabada dadkaasi lagu laayay ay masuuliyadeeda qaadi doonaan isbahaysiga uu hogaamiyo dalka Sacuudiga iyo Dowladda Madaxweyne Hadi ee dalka Yemen.
 
Wasiirka ayaa sheegay in dhinacyadaasi looga baahan yahay in ay jawaabo ka soo bixiyaan falkaasi, lana aaso intii dhimatay, daryeelna loo fidiyo inta dhaawaca ah isla-markaana lala soo xiriiro qoysaska dhibane-yaasha.
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa intaa ku daray dhibaatada halkaasi ka dhacday inay tahay in la helo cid ka masuul ah,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Video:-Wasiirka Arimaha Dibada Dawlada Fadaraalka oo ka hadlay xasuuqii Somalida ee Yemen"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading