VIDEO: Xabaal-wadareed loo sameeyay dad ku dhintay madaafiicda Somaliland la dhacayso Laascaanood

Xabaal wadareed ayaa loogu sameeyay qabuuro ku yaalla duleedka xarunta gobalka Sool ee Laascaanood dad shacab ah, oo ku dhintay duqeymaha uu wado magaalada todobaadkii labaad.

Dadka aaska guud loo wada sameeyay ayaa gaarayay ilaa 9 qof, kuwaas oo ku geeryooday madaafiicfda ciidamada Somaliland ay jimcihii shalay la dhaceen magaalada.

Muuqaal argagax leh oo lagu wadaagay baraha bulshada ayaa muujinayay meydad lagu duubay (Kafmay) bacaha waa weyn ee laga jirsado roobka (Bac gaduud), iyagoo markii dambe lagu aasay xabaad-wadareed lagu qoday gaadiidka weyn ee loo yaqaan “CAGA-CAGAF-ta”.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading