VIDEO: Xasan Sheekh “Waxaan maqlayaa Xoogaga waddaniyiinta Soomaaliyeed, cida ay katirsan yihiin Dowladdu ha cadeyso”

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan  Sheekh Maxamuud oo bilihii u dambeysay aad u dhaliilayay siyaasada Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa su’aal ka keenay dhalinyarada xoogaga Wadaniyiinta ee laga qoray degmooyinka Gobolkan Banaadir.

Xoogaga wadaniyiinta ayaa waxaa ay wakiilo ka yihiin degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaana la sheegaa inay toos ugu xiran yihiin Madaxtooyada Soomaaliya,isla markaana ay ka qeyb qaataan abaabulka banaanbaxyada dowladda lagu taageeraayo iyo munaasabadaha soo dhaweynta intaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka uu leeyahay Afar Ciidan oo kale ah, Ciidamada Booliska,Nabadsugida, xoogga dalka iyo Asluubta ,hayeeshee wixii kasoo hgara ay yihiin kuwo ku Shaqeeya Sharci-darro.

“Baryahaan waxaan maqleynay kuwa leh xoogag wadaniyiinta dadka soomaaliyeed dhamaantood waa wadaniyiin,marka xoogaga wadanioyiinta ee la sheegaayo xagey ka tirsan yihiin,shaqaalaha dowladda miyaa,Ciidan miyaa,Bulshada rayidka miyaa,astaamo aan wanaagsaneyn ayaa ii muuqda ee dowladda waxaa laga rabaa ha sharciyeyso ayuu yiri”Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa imaanaya xilli weli Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan cadeyn cida ay ka tirsan yihiin xogaga wadaniyiinta ee ka Shaqeeya Gudaha degmooyinka Gobolka Banaadir.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading