Video:-Xasan Shiikh oo ku dhawaaqay in Dowladiisu wada xaajood la galayso Alshabaab

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxmuud, oo ka hadlayey machadka SETA ayaa sheegay in ugu dambayn ay dawladdu la xaajoon doonto balse xilligan aysan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in dawladdu albaabada u fursayso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya in ay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah.

Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa sheegay in dawladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah.

1.Milatari

2.Fikir

3.Dagaal Dhaqaale.

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading