Video:-Xisaabiyihii Gobolka Mudug Ee Wasaarada maaliyada oo is casilay

Xisaabiyihii Gobalka Mudug ee Wasaarada Maaliyada Puntland, Barkhad Aadan Muuse,ayaa saakay ku dhawaaqay in uu iska casilay masuuliyadii uu u hayay Wasaarada iyo bulshada Gobolka.

Barkhad,ayaa ku sheegay war saxaafadeedkiisa in ay sababtay iscasilaadiisa,kadib markii uu la shaqayn waayay Wasiirka Maaliyada Cabdullaahi Siciid Caarshe (Dhaqaaje).

Barkhad,ayaa yiri”Wasiirku markii loo magacaabay Wasaarada waxuu isla markiiba iigu yeeray xarunta,anoo islahaa waxuu kuugu yeeray kulan isbarasho iyo dhiirigalin shaqo ah,ayaan kala kulmay wax ka badalan taas oo ah in uu iwaydiistay lacag 10.000 oo dolar ah bil walba in aan gooni ugu keeno maadaama kharashkiisu badan yahay,ana taas waan ka diiday”ayuu yiri xisaabiyihii hore ee Gobolka ..

Dhanka kale masuuliyiin lagu kasloonaan karo,ayaa noo xaqiijiyay in Xisaabiyaha ay ku socotay 6-dii bilood ee u danbaysay xisaab xil maleh,taasoo markii danbe sababtay in laga dalbado in uu baneeyo booska oo si casilo.

Wasiirka Maaliyada Cabdulaahi Caarshe oo aan isku daynay in aan la xiriirno ayaysan noo suurtoobinsi uu uga jawaabo eedaymaha loosoo jeediyay,hoos ka daawo muuqaalka hadalka Xisaabiyaha oo fahafahasan.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading