Video:-Xoghayaha Guud”Waxa ka socda Myanmar waxaan kaliya oo ku tilmaami karnaa isir sifayn”

Xoghayaha guud ee Qaramda Midoobay António Guterres ayaa ku tilmaamay barakacinta lagu hayo bulshada Rohingya ee dalka Myanmar mid isir sifeyn ah.

Isaga oo Arbacadii wariyaasha kula hadlayey xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, ayuu Guterres sheegay in sadex marki loo qeybiyo bulshada Rohinga qeyb ay ka carartay dhulki ay daganaayeen. Wuxuu intaasi raaciyay in erayga kaliyah ee lagu qeexi karo waxa halkaasi ka socdaa uu yahay isir sifeyn.

Wuxuu ugu baaqay dowlada Myanmar inay joojiso howlgalada miltari ee ay ka waddo gobolka Rakhine ee ay ku badanyihiin muslimiinta Rohingya.

Wuxuu kale oo uu ka dalbaday dowlada in ay gobolka kusoo celiso sharciga iyo kala danbeynta isla markaana ay u ogolaato dadka la barakiciyay in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu saacaha soo aadan go,aan kasoo saaro arrinta Myanmar,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading