Video+Sawiro:-Gudoomiyaha Midawga Africa oo soo gaaray xarunta Dawlada fadaraalka ee Muqdisho

Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Muuse Faki ayaa goor dhow soo gaaray  magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka tirsan ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

 

 

 Wafdiga ayaa hada ku sugan xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaasi oo ay kulan kula qaadanayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadleen arrimaha abaaraha iyo doorka Midowga Afrika ay ka qaadan karto u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Ujeedka socdaalka Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Gudoomiyaha Muuse Faki uu la xiriiraa abaarta ka jirta Soomaaliya iyo sidii loo dar dar gelin lahaa howlgalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Video+Sawiro:-Gudoomiyaha Midawga Africa oo soo gaaray xarunta Dawlada fadaraalka ee Muqdisho"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading