Villa Somalia oo bilowday Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Qoorqoor

Villa Somalia ayaa Abaabuleysa Mooshin Xilka qaadis ah oo ay la doonayaan Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor kaas oo iska diiday inuu soo dhaweeyo Muddo Kordhin Xildhibaanada Waqtigoodu dhamaaday ay u sameeyeen Madaxweynaha Xilka ka dagaya Maxamed C.llaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Dr Gacal oo ay gadaal ka riixeyso Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inuu Dhuusamareeb ka bilaabay kulamo kala duwan si Xildhibaanada ay Xilka uga qaadaan Madaxweyne Qoorqoor.

Dhanka kale Xildhibaaanno ka tirsan Galmudug ayaa ii Xaqiijiyay in Guddoomiye Gacal iyo Kuxigeenkiisa ay wadaan Qorshahaan,balse inta badan Xildhibaanada ay ka soo horjeedaan si aan Qatar loogalin Daganaashaha Dowlad Gobolleedka Galmudug.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading