Villa Somalia oo dadaal ugu jirta in la dhimo Xildhibaanada ka qeyb-galaya soo dhaweeynta Madaxweyne Deni

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa loogu yeeray maalinimada berrito ah, kaddib muddo 3 Asbuuc ah oo uusan shaqeyn Goluhu, uuna kala maqnaa.

Fariin loo diray Xildhibaanada ayaa loogu sheegay inay soo xaadiraan kulanka Golaha Shacabka ee berrito, kaas oo Ajandihiisa lagu sheegay labo qodob, oo kala ah;

1: Akhrinta 1-aad ee Hindise sharciyeedka Adeegyada baaritaanka beeraha Soomaaliyeed.

2: Akhrinta 2-aad ee sharciga Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Dad badan ayaa rumeysan in qabsoomida kulanka ay dabada ka riixayso Madaxtooyada Villa Soomaaliya, taas oo damacsan in laga hor istaago Xildhibaanada Golaha Shacabka soo dhaweeynta Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo markii ugu horeysay booqanaya Magaalada Muqdisho tan iyo doorashadiisii 8 Janaayo 2019 iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo aan asna tagin Muqdisho tan iyo markii dib loo doortay 22 August 2019.

Sidoo kale, Xildhibaano kamid ah Golaha Shacabka BJFS ayaa aaminsan inay u dhowdahay inuu u baaqdo kulanka berri kooram la,aan, maadama inta badan mudanayaashu ay dadaal ugu jiraan sidii ay uga soo muuqan lahaayeen fagaaraha soo dhaweeynta ee Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ee xubnaha ka ah DFS.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading