Villa Somaliya oo ku dhici wayday in ay ka hor timaado qorshaha Axmed Madoobe

Villa Somaliya,waxay ku dhici wayday in ay ka falceliso talaabadii uu  Shalay qaaday Baarlamaanka Jubaland.

Xasan iyo Xamse,waxay uyeereen Cali Xoosh oo ay ku amreen in uu Warqad kasoo saaro talaabada Axmed qaaday,balse,wuxuu ku dooday in uu Dastuurkiisa taabtay oo uusan Doorasho faragelin Axmed.

Axmed Madoobe Maanta,waxaa horyaal Laba Qodob oo kala ah…

1.In uusan lumin doorkiisa Dowlad dhiska iyo ilaalinta nidaamka Fadaraalka ah.

2.In uu kasbado Bulshada Beesha Daarood oo Xamse Wadada uu maray uusan dabagelin.

Axmed in uu sii ahaado hogaamiye adag oo lagu hirto,isagay ku xiran tahay.

Si gaar ah Shacabka PL in uu ku qabsado Deni oo ay u arkaan hogaamiye qiyam ilaalinaya,isagay ku xiran tahay.

Hadiise ballanqaadayada hooseeya ee loosoo bandhigayo uu qaato oo lumiyo doorkii ilaalinta Dastuurka ka saarnaa,taariikhda meel fool xun,ayuu ka geli doona.

Haldoorka Bulsho ee PL,waxay Axmed u arkaan hogaamiye weli loo sii baahan yahay oo mid la agdhigo karo xiligan uusan ku jirin Beesha Ogaadeen.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading